http://www.bbcsomali.com

17 Sebtembar, 2008, 19:57 GMT; 22:57 SGA

Kati Isse
BBC London

Dhibaatada dhaqaalaha Adduunka

Kadib markii uu bur buburay todobaadkan bangiga maalgashiga ee ugu taariiqda dheeraa maraykanka LehmanBrothers ayaa waxay noqotay qasaare aan la arkin tan iyo intii Markii ugu danbaysay ee dhaqaalaha aduunka uu sidan oo kale u xumaado sanadihii 1930 meeyadii.

Ganacsiga

Bangiyadii aduunka ayaa bur buray. Waxaana la soo rogay in sharciyo adag loo sameeyo bangiyada.

Laakiin Tan iyo sanadihii sagaashameeyada horaantiisii ayaa madaxweynihii hore ee maraykanka Bill Cillinton ayuu bilaabay ayuu bilaabay in la fududeeyo sharciyada bangiyada kaasoo isku furayay aduunka oo dhan, tar tan kana badinaayay.

Sanadihii ugu danbeeyay aaad ayay usii fududaadeen sharciyada bangiyada maraykanka. Sharciyadaan la fudu deeyay ayaa ka dhigay bangiyada shaqadooda inaysan dowlada sharciyeen oo ay iyaga sharciyada dajistaan.

Bangiyadan maal gashiga sida Lehman Brothers, ayaa shaqadoodu waxay tahay oo kaliya in ay lacag maal galiyaan ee ma aha bangiyada caadiga ah ee aan lacagta ku ridano maalin walba ama kala soo baxno.

Markii sharciyada bangiyada la fududeeyay ayay waxay bilaabeen inay ku shaqeeyaan sharci ah in faaiido badan la sameeyo taasoo keenaysa in qataro badan la galo. Sida iyadoo la maalgaliyay daymaha guryaha lagu gato oom la siiyay dad aan awoodi karin

Lacagaha qasaaray ayaa isugu jira, lacago ka kala yimid aduunka oo dhan, lacago ay dadka maal gashi ku sameeyeen, lacago loo kaydinayay in dadka markay shaqo gabaan la siiyo, lacago bangiyada leeyihiin iyo shirkado kale oo bixiya daymaha guryaha.

Waxaa kaloo qasaaro wayn soo gaaray shirkadihii caymiska oo caymin jiray maal gashiga. Maanta aayy shikada Caymiska ugu wasyn ee AIG waxaa badbaasiyay bangiga dhexe ee markanka iyadoo la siiyay 85 billion oo dollar oo dayn ah si loo bad baadiyo, taasoo ka dhigaysa in dowlada ay shirkada la wareegayso 80 boqolkiiba

Hadaba suaashu waxay tahay, siday arintan u saamaynaysaa bangiyada aduunka, dadka lacagta ku kaydsada bangiyada iyo maal gashiyayaasha maraykanka iyo aduunka.

Wariyaha BBCda ee arimaha dhaqaalaha Andrew Walker ayaa ka waramaya.