http://www.bbcsomali.com

15 Sebtembar, 2008, 15:58 GMT; 18:58 SGA

Mugabe oo heshiis la saxiixday Tsvangirai

Madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe ayaa heshiis awood-qeybsi ah oo taariikhi ah la saxiixday hogaamiyaha mucaaradka Morgan Tsvangirai.

Labada nin oo dhoola caddeynaya, ayaa is gacan qaaday xaflad lagu qabtay magaalada caasimadda ah ee Harare, oo ay ka qeybgaleen madax ka socotay Africa.

Taariikhda Tsvangirai

Mr Tsvangirai ayaa sheegay in heshiiskuu uu xaqiijiyay rajadii ugu wanaagsaneyd ee dadka reer Zimbabwe, isagoo ugu baaqay Madaxweyne Mugabe inay si wadajir ah uga shaqeeyaan dhaqangelintiisa.

Mr Mugabe ayaa sheegay in isaga ay ka go'neyd midnimo qaran, isla markaana uu sameyn doono wixii awooddiisa ah.

Mr Mugabe, Mr Tsvangirai iyo Arthur Mutambara - oo isna ah hogaamiyaha qeyb ka go'day MDC ayaa heshiiska ku hor saxiixay 3000 oo qof oo lagu marti qaaday xaruunta caalamiga ah ee shirarka ee Harare.

Heshiiska ayaa waxa uu dhigayaa in Mugabe uu sii ahaado Madaxweynaha waddankaasi Zimbabwe, halka hogaamiyaha mucaaradka Morgan Tsvangirai uu noqonayo Ra'iisul wasaare cusub oo waddankaasi uu yeesho.

Qaabka ay awoodda u kala qeybsadeen Mugabe iyo Tsvangirai