http://www.bbcsomali.com

05 Sebtembar, 2008, 06:56 GMT; 09:56 SGA

Abdirahman Aynte
BBCSomali.com

Cudurka Autism iyo Somalida Minnesota

Cudur saameeya korriinka carruurta oo lagu magacaabo Autism, ayaa aad ugu baahay carruurta Soomaaliyeed ee ku noo Minnesota, taas oo walaac badan ku abuurtay waalidiinta.

Warbixinta_Autism

Cudurkan ayaa waliba si gaar ah ugu badan carruurta Soomaaliyeed ee ku dhalatay dalka Mareykanka.

Maxaa sababa cudurka?

Inkastoo aan cilmi ahaan si dhab ah loo ogeyn sababaha cudurkan ku badiyey carruurta Soomaalida ah, haddana qaar kamid ah waalidiinta Soomaaliyeed ayaa tuhunsan waxyaabo ay kamid yihiin tallaalka, iyo cimillada qabow ee ka duwan kuwii Soomaaliya.

Cudurka Autism-ka waa mid ugub ku ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee qurbaha, gaar ahaan kuwa Mareykanka. Sida uu ii sheegay Dr. C/raxman Diiriye Maxamed, oo ka howlagala Rugta Caafimaadka ee Axis ee magaalada Minneapolis, waa cudur aan Af-Soomaliba loo heyn.

Astaamaha cudurka

Aafada uu sida gaarka ah u leeyahay cudurkan ayaa ah inuu hakiyo, ama uu dibu-dhac weyn ku sameeyo korriinka xagga fahamka iyo hadalka ee carruurta. Sida ay ii sheegtay Idil Cabdullaahi, oo ah hooyo uu wiilkeedu qabo cudurkan, astaamo kale oo lagu garto ayuu leeyahay:

Inkastoo ay carruurta Soomaaliyeed 6% oo kaliya ay ka yihiin tirada carruurta dhigata dugsiyada waxbarashada ee Minneapolis, haddana tirada qabta cudurka AUTISM waa boqolkiiba 17%.

Kaddib markii ay u damqatay wiilkeeda, isla markaana ay aragtay tirada cirka isku sii shareereysa ee carruurta Soomaaliyeed ee qabta cudurkan, ayeey Idil, oo ku nool agagaarka Minneapolis, waxay billowday olole ay kula xiriireyso laamaha caafimaadka iyo kuwa waxbarashada ee Minnesota.

Tirakoob la'aan

Laamahaas ayaan iyaguna jawaab waafi ah heyn. Sida ay ii sheegtay Judy Punyko, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda caafimaadka ee gobolka Minnesota, ma jiro tirakoob rasmi ah oo sheegi kara tirada carruurta Soomaaliyeed ee qaba cudurkan, iyo waliba sababaha keena.

Taana waxaa sabab u ah laba arrimood:

Kow: In howlwadeennada cudurkan kasoo sheega carruurta Soomaaliyeed ay yihiin kuwa aan tababar caafimaad heysan, ee ah kuwa ka tirsan iskuullada, carruurtana ku qiimeeya awooddooda fahamka, hadalka iyo la fal-galka carruurta gale.

Labo: In laamaha caafimaadka ee gobolka Minnesota aysan sameyn cilmi-baaris la xiriirta cudurkan, tirada la hayana ay tahay midda ay soo saareen iskuullada magaalada Minneapolis.

Daawo la'aan

Qodobbadaas waxaa sii dheer inaan illaa haatan cilmi-ahaan loo ogeyn sababaha keena cudurkan, lana heynin daawo rasmi ah oo lagu dabiibi karo.

Iintaas iyadoo ay jirto, ayeey haddana waalidiinta Soomaaliyeed waxay si weyn uga walaacsan yihiin sababaha la tuhunsan yahay in cudurkan ay keenaan, oo ay kamid yihiin maaddo ku jirta tallaalka carruurta, ama in isir-side ku jira carruurta Soomaaliyeed uusan xamili karin qorrax la'aanta, iyo qabowga ka jira gobollada sida Minnesota oo kale ah.

Qorrax la'aantaas ayaa keenta in Vitamin D-ga, oo qeyb weyn ka qaata difaaca jirka, uu ku yaraado carruurta Soomaaliyeed, sida la tuhunsan yahay.

Tuhunkaas waxaaba sii kaabay cilmi-baarayaal u dhashay Sweden, oo horraantii sanadkan cilmi-baaris ay sameeyeen ku ogaaday in carruurta Soomaaliyeed iyo kuwo kale oo African ah, ee ku dhasha Sweden, inuu ku badan yahay cudurkan Autism-ka.

Laakiin khubarada iyo dhakhaatiirta aan la hadlay, oo uu kamid yahay Dr. C/raxman Diiriye, waxay qabaan inaan ilaa haatan la heyn caddeyn ku saleysan cilmi-baaris dhameystiran, oo tuhunka la qabo kaabaya.

Dafiridda cudurka

Marka laga soo tago sababaha keena cudurkan, waxaa jira dhibaato kale oo si gaar ah ugu badan waalidiinta Soomaaliyeed, taas oo ah in qaar badan oo kamid ah ay dafiraan in carruurtoodu ay qabaan cudurkan, taas oo deedna keenta in carruurtii ay heli waayaan daawadii loogu tala galay.

Xassan Warsame oo howlwadeen ka shaqeeya hey'ad la shaqeysa carruurta cudurrada noocan ah qaba, oo la yiraahdo Pacer, saldhiggeeduna uu Minneapolis yahay.

Dafiraddaas ayaa waliba kala leh dhowr heer, sida ay Idil Cabdullahi ii sheegtay.

Idil waxaan weydiiyey inay talo u jeediso waalidiinta kale ee carruurtooda laga helo cudurkan.