http://www.bbcsomali.com

OECD oo soo saartay tiro cusub oo ku saabsan dhaqaalaha adduunka

Ururka xiriirka dhaqaalaha iyo horumarinta, ayaa soo saaray tiro cusub oo muujinaysa baaxadda uu gaarsiisan yahay hoos u dhaca dhaqaalaha dunida.

Cilmi-baarista, ayaa muujinaysa in dhaqaalaha Europe uu u shaqaynayo si ka gaabisa intii la saadaalinayay, iyadoo Britain ay tahay dalka ugu daran, oo sanadka inta ka dhimanna hoos uu u sii dhacayo dhaqaaluhu.

Dhaqaalaha Jarmalka iyo Talyaaniga, ayaa la sheegay in haba yaraatee aysan waxba ku kordhin, Faransiiskana uu kororkiisu aad u yar yahay.

Saadaasha Japan ayaan si dhab ah loo ogayn. Maraykanka ayaa howl wanaagsan qabtay balse OECD, waxay leedahay waxaa dhaqaalaha Maraykanka si dhab ah u daciifiyay dhibaatada daymaha guryaha.