BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
30 Sebtembar, 2008, 04:58 GMT; 07:58 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Indha-Cadde oo eedeeyey Sh. Shariif
 

 
 
Yusuf Indhacadde ayaa Sh. Shariif ku eedeeyey inuu hagardaamo
Yusuf Indhacadde ayaa Sh. Shariif ku eedeeyey inuu hagardaamo
Sh. Yusuf Indhacadde ayaa ku sifeeyey hagardaamo hadalkii Sh. Shariif oo ahaa in ciidanka Ethiopia ay Beledweyne kaga baxeen heshiis ay la gaareen Isbaheysiga Dibu-Xoreynta.

Sh. Indhacadde, oo ah xoghayaha difaaca ee Isbaheysiga mucaaradka ah, ayaa sheegtay in ciidankiisu ay xoog ku saareen kuwa Ethiopia, oo ay awood sheegteen, kaddib markii sida uu sheegtay ay u muujiyeen cudud millatari oo aysan ciidanka Ethipia u babac dhigi karin.

Wuxuu Indhacadde yiri:

"Shariif been buu arrintaas ka sheegay. Runtiina hagardaamada iyo dhibaatada uu umadda Soomaaliyeed u geysanaayo qeyb kamid ah waaye. Ilaahey ha uga toobad keeno ayaan leeyahay arrintaas," ayuu yiri.

Indhacadde ayaa shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho. Isagoo wareysi siinaya BBC-da, ayuu sheegay inuu isagu goobjoog u ahaa dagaalka ka dhacay magaalada Beledweyne.

Wuxuu sheegay in ciidankiisu ay galeen diyaar garow fara badan, iyo inuu argagax badan galay Alle galiyey ciidanka Ethiopia, iyo waliba in ciidankiisu ay yihiin kuwa aan ka cabsaneyn geerida.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin