|
 |
|
| Kumanyaal qof ayaa ku dhintay xeebaha u dhexeeya Yemen iyo Somalia |
Sida ay sheegtay laanta qaxootiga u qaabilsan qaramada midoobay ee UNHCR 52 qof oo Somali ah ayaa ku dhintay badda gacanka
Caden markii ay badda kula jabtay doontii ay ka soo raaceen Somalia ee ay doonayeen in ay ku galaan dalka Yemen.
Qaramada Midoobay waxay sheegtay in ilaalada xeebaha Yemen ay badbaadiyeen 71 qof oo nool oo dul saarnaa doontii ay kaga soo
dhoofeen somalia horaantii bishan september,oo matoorku ka jabay.dadkaas oo lab iyo dhedig isugu jiray waxay badda dul sabeynayeen
oo doon jaban ay saarnaayen 18 maalmood oo aysan wax biyo iyo cunno toona aan helin.
UNCHR waxay sheegtay in bishii hore ee August oo kali ah ay qaxooti ka badan laba kun qof ay doonyo ku galeen yemen,xilligaas
oo ahaa xilliga inta badan ay baddu furanto oo safarka xeebaha somalia iyo yemen uu ugu nabadoon yahay.
Tan iyo markii ay dhacday dawladii Somalia 1991 waxaa Yemen iska dhiibay boqolaal kun oo Somali ah oo uga sii gudba dalalka
hodanka ah ee khaliijka,kuwaas oo ka carara amni darida & dhaqale xumada ka jirta dalka somalia.
Sanadkihii 2006-2007 oo kali ah sida UNHCR sheegtay Yemen waxaa galay dad ka badan 45 kun qof oo Somali u badan, waxaa kaalinta
2aad ku jira dadka u dhashay Ethiopia iyo dad aan badneyn oo Afrikada kale ka taga oo dhammaantood si sharci daro ah ugu tala
galay in ay u Yemen si ay ugu sii gudban dalalka hodanka ah ee khaliijka.
|