|
 |
|
| Sheekh Shariif Sh Axmed waa Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u Xoreynta |
Guddoomiyaha Isbahaysiga mucaaradka ee Dib u xoreynta Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in ay ka xun yihiin
dagaallada ka socda magaalada Muqdisho.
Sheekh Shariif waxa uu sheegay in ay ka xanuunsanayaan in dadka Soomaaliyeed ay wali kusii socoto in la laayo oo la barakiciyo.
Guddoomiyaha oo wareysi siiyay BBC-da isaga jooga waddanka Sacuudi Carabiya ayaa sheegay in ay Midowga Africa ka wada hadleen
in aanay ka shaqeyn wax dhibaato loogu geysanayo shacabka Soomaaliyeed.
Sheekh Shariif waxa uu sheegay in Isbahaysigooda ay ka soo horjeedaan awoodda ay shacabka ku baabi'inayaan sida uu yiri ciidamada
nabad ilaalinta ee Midowga Africa ka jooga Somalia.
|