|
Burcad badeed dalbanaya 35 milyan oo Dollar
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Burcad badeedka Soomaalida ee shalay qabsaday markabka laga lahaa waddanka Ukraine ayaa lagu soo waramay inay dalbadeen madaxfurasho
dhan 35 milyan oo Dollar si ay u sii daayaan markabka iyo shaqaalihiisa.
Burcad badeeddu waxay ka digeen wixii isku day ah ee lagu doonayo in lagu badbaadiyo shaqaalaha iyo markabkaasi oo la yiraahdo MV Faina, kaasi oo wada 33 taangiyada dagaalka oo u socday Kenya. Burcad badeedda Soomaalida ayaa dhawrkii bilood ee la soo dhaafay waxaa maraakiib dhawr iyo toban ah ay ku afduubeen xeebaha Somalia. Afhayeen u hadlay burcad badeedda oo la yiraahdo oo magaciisa ku sheegay Januun Jama Ali, ayaa BBC u sheegay in kooxdooda ay wada xaajood kula jiraan dowladda Kenya, laakiin aanay sii deyn doonin ilaa madax furasho la dhiibo. |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||