 |
|
| Burcad badeedku waxa ay qabsadeen markab taangiyo saaran yihiin |
Burcad badeed Somali ah ayaa afduubay markab laga leeyahay waddanka Ukrain oo lagu soo waramay inuu sida in ka badan 30 taangiyada
dagaalka ah oo noocoodu yahay T-72.
Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Ukraine ayaa sheegtay in markabkaasi oo ku socday calanka Belize inay saarnaayeen 21 shaqaale
oo uu ku sii jeeday dekedda magaalada Mombasa.
Wakaaladda wararka ee Faransiiska ayaa sheegtay in markabka oo la yiraahdo Faina uu siday qalab militeri, iyo qalab dayactir
oo loogu talagalay gawaarida dagaalka, iyo taangiyo.
|