BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
26 Sebtembar, 2008, 10:57 GMT; 13:57 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Booliiska Germany oo xiray dad Soomaali ah
 
klm
Booliiska ayaa xoog ku gala diyaaradda oo xiray laba Somali ah
Booliiska u tababaran qaabka Comandos-ka ee waddanka Germany ayaa xoog ku galay diyaarad ay leedahay shirkadda KLM oo ku sugneyd garoonka Cologne, halkaasi oo ay ku xireen laba qof oo looga shakiyay inay argagaxiso yihiin.

Labada qof ee la xiray ayaa ah nin Somali ah 23 jir ah iyo 24 jir ah, midkoodna uu heysto dhalashada waddanka Germany.

Afhayeen u hadlay booliiska ayaa sheegay in in labadaasi qof ee Soomaaliga ah ay qorsheynayeen inay u dhintaan dagaal jihaad ah, oo waraaqo dardaaran ahna ay reebeen, isagoo intaa sii raaciyay in muddo dhawr bilood ah kor ay kala socdeen dhaqdhaqaaqooda.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin