|
Dhibaatada xagga dhaqaalaha
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Barnaamijka Falanqeynta ee toddobaadkan waxa uu ku saabsan yahay dhibaatooyinka dhaqaale ee soo wajahay hey'adaha waaweyn
ee waddanka Mareykanka iyo saameynta ay yeelan karaan.
Barnaamijka ayaa waxa ka qeybgalaya Prof. Axmed Ismail Samatar iyo Dr Hodan Ciise oo labadooduba wax ak dhiga Jaamicado ku yaala Mareykanka. Mid ka mid ah bangiyada ugu waaweyn waddanka Mareykanka ayaa buburay taasi oo ay sabab u tahay dhibaatooyinka xagga deymaha guryaha ee dhawaan ka dhacay waddankaasi. Arrintan ayaa soo baxday iyadoo ay weli socoto wada hadalka arinta la isku khilaafsan yahay ee qorshaha 700 bilyan oo dollar oo Madaxweyne Bush uu soo jeediyay si loo badbaadiyo hey'addaha dhaqaalaha Mareykanka. Wada hadalka oo la isku mari waayay ayaa waxaa goob joog ka ahaa labada musharax ee madaxtinimada Mareykanka Barack Obama iyo Joh McCain. |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||