BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
22 Sebtembar, 2008, 12:13 GMT; 15:13 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Dhaawaca magaalada Muqdisho
 
Madina Hospital
Isbitaalka Madiina

Isbitaalka madiina ee magaalada Muqdisho, waxaa la gaarsiiyay dhaawaca dadkii ku waxyeeloobay madaafiic lagu garaacay goobo kala duwan oo magaalada Muqdisho ah kadib markii ay dagaalo dhexmareen ciidamada nabad ilaalinta midowga Africa ee Amisom iyo xoogaga Alshabaab oo weeraray fariisimahooda.

Dhaawaca, ayaa xalay saqdii dhexe ilaa saaka lagu sii daldalayaa isbitaalka, iyadoo agaasime ku xigeenka Madiina, Daahir Maxamed Maxamuud, ayaa BBC-da u sheegay in in ka badan lixdan qof oo dhaawac la soo gaarsiiyay isbitaalka.

Weriyaha BBC-da, Maxamed Ibraahim Macalimuu, ayaa tagay isbitaalka Madiina, oo la kulmay qaar ka mid ah bukaanka iyo maamulka isbitaalka, Abdinur ayuu uga waramay xaaladda isbitaalka Madiina.

Maamulaha isbitaalka Keysaneey, Cali Bile, ayaa BBC-da u sheegay in isbitaalkaas ay ilaa saakay soo gaareen ilaa 22 bukaan ah oo qaarkood dhaawacoodu halis yahay.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin