|
Sheekh Xassan Daahir Aweys
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Sheekh Xassan Daahir Aweys, guddoomiyaha ururka isbahaysiga dib u xorayntiisa ee xaruntoodu tahay magaalada Asmara ee Eritrea,
ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in shacabka laga aarguto weerarada muqaawamada.
Wuxuu ku eedeeyay ciidamada AMISOM in ay si cadaawad ka muuqato duqayn ugu gaysteen suuqa Bakaaraha.
Wuxuu sidoo kale dhaleeceeyay shirka Djibouti, oo uu ku tilmaamay mid hagardaamo ah, duqaynta Bakaarahana ay cadayn u tahay ujeedooyinka, waxa uu ku tilmaamay cadowga, in aan wax dan ah laga lahayn shirkaas. Wuxuu xusay in aan loo baahnayn in ciidamada shisheeye ay duqeeyaan suuqyada iyo goobaha dadwaynaha balse ay tahay in ay la dagaalamaan dhalinyarada la xabadda ku ridaysa. Waxaa duqayn iyo dagaal xalay iyo maanta ka dhacay Muqdisho ku dhintay ilaa 36 qof, iyadoo in ka badan sagaashan qofna ay ku dhinteen. Dagaalka ayaa xalay ku bilowday weerar ay xoogaga kacdoonka ku qaadeen fariisimaha Garoonka diyaaradaha iyo KM4 oo saldhigyo u ah ciidamada midowga Africa, isla markaana saaka hoobiyayaal lagu weeraray garoonka diyaaradaha kadib markii ay soo degtay diyaarad. Taasoo ka dambaysay mamnuucid ay kooxda Al-shabaab horay ugu soo rogeen in aan diyaarad ku soo dagi karin garoonka Muqdisho. |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||