|
 |
|
| Xafiiska Madaxweynaha ayaa amray in la joojinayo baasaboradii hore |
Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Somalia Cabdullaahi Yusuf Axmed ayaa lagu sheegay in wixii ka danbeeya soddonka
bishan September la joojinayo baasabooradii hore ee Somalia oo la isticmaalayey tan iyo dawladii hore ee dhacday 1991.
Afhayeenka Madaxweynaha Xuseen Maxamed Maxamuud oo u waramayay BBC ayaa sheegay in wareegtadaasi ay ku cadahay in aan la isticmaali
karin baasaboorkii hore ee cagaarka ahaa, isagoo intaa raaciyay in dadka Soomaaliyeed ay dalban karaan baasaboor cusub oo
dowladdu ay soo sameysay oo sida uu sheegay la yiraahdo E-Passport.
Afhayeenka waxa kale oo uu ka hadlay war kale oo isla madaxtooyada Muqdisho ka soo baxay oo ku saabsan in shatigii laga qaaday
dayuuradaha aan airport Muqdisho ka soo degin, taasi oo shalay ay dawladdu ku dhawaaqday, kadib markii diyaarad aanay ka soo
degin kana duulin, garoonka Muqdisho ilaa talaadadii, xilligaasi oo kooxda Islaamiga ah ee Al-shabaab ay ku hanjabtay inay
tallaabo ka qaadi doonaan cidii ka soo degta halkaasi.
|