BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
20 Sebtembar, 2008, 13:26 GMT; 16:26 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
QM oo ka digtay halis ku fool leh geeska Africa
 

 
 
john holmes
John Holmes waxa uu dhawaan booqday gobolka
Qaramada Midoobay ayaa waxay ka digtay halis ah in gaajo iyo macaluul cusub ka dilaacaan wadamada geeska Africa,sida Somalia, Ethiopia, Djibouti, Eritrea, waqooyiga Kenya iyo Uganda.

Sarkaalka ugu sareeya hawlaha bini'aadanimada ee QM John Holmes ayaa shir jaraaid oo lagu soo bandhigay baaxadda ay leedahay dhibaatadaasi waxa uu kaga hadlay baahida deg deg ah ee ka jirta waddamadaasi.

John Holmes waxa uu sheegay in wadamada hodanka ah ee deeqda bixiya looga baahan yahay inay ku yaboohaan ilaa 700 oo Million dollar, oo wax looga qabanayo gaajada ku soo food leh waddamadaasi Africa, oo ay saameeyeen qaarkood abaaro iyo dagaallo ka sokow cuna yaraanta heysata.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin