|
Congress-ka: mooshin ku saabsan Somalia
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Mooshin ugu baaqaya dowladda Mareykanka inay soo gudbiso siyaasad sal iyo baar leh oo ku beegan Soomaaliya ayaa toddobaadkan
la horkeenay Golaha Congress-ka ee dalkan Mareykanka.
Mooshinkan ayaa sidoo kale ku baaqaya in lala xisaabtanto dhinacyada geysta xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee ka dhaca dalka Soomaaliya, iyo waliba in Ethiopia ay soo gudbiso jadwal ay ciidankeeda uga saareyso Soomaaliya. Qoraaga mooshinkan waa Keith Ellison, oo ah mudane laga soo doorto gobolka Minnesota. 'Siyaasad dhameystiran' Keith Ellison waa mudanaha Congress-ka Mareykanka wakiilka uga ah Soomaalida ugu badan. Mooshinka uu soo hordhigay Golaha Congress-ka, loona gudbiyey Guddiga Amuuraha Dibadda, ayaa ugu baaqaya dowladda Mareykanka iney soo diyaariso siyaasad qeexan oo misana dhameystiran, oo ku beegan Soomaaliya. Wuxuu intaas raaciyey in, inkastoo ay dowladda Mareykanku ku yaboohday $50 milyan oo doollar inay ku taageero ciidanka nabad-ilaalinta ee AMISOM, isla markaana ay bixisay deeq qiimeheedu dhan yahay $140 milyan oo doollar sanadkan oo kaliya, haddana in maamulka Madaxweyne Bush laga la'ayahay siyaasad macno iyo ujeeddo leh, oo xasillooni kusoo dabbaali karta Soomaaliya. Keith Ellison, mudanah qoray mooshinkan, ayaa iiga warramay ujeeddada ugu horreysa ee mashruuca-qaraarkan. Wuxuu yiri Mr. Ellison:
Waxaan kaloo u baahannahay inaan u muujino caalamka iyo Soomaalidaba, in Mareykanku uusan iska illoobin shacabka Soomaaliya." Dulucda mooshinka Ka sokow baaqaas, mudanuhu wuxuu iiga warramay dulucda mooshinkiisa, wuxuu yiri: "Intaas kaddib, waxaa muhiim ah in laga hadlo gabood-fallada, iyo masiibooyinka bani'aadannimo ee ku habsaday shacabka. Waxaan ka hadlayaa waa ciidanka Ajnabiga ah ee Ethiopia. Waa in dowladdaas lagu dhiirri galiyo inay soo bandhigto jadwal cad oo ay si masuuliyadi-ku-dheehan tahay ciidankeeda ugala baxeyso Soomaaliya, iyadoo la kaashaneysa Qaramada Midoobay. Soomaalida ma doonayaan in dalkooda la heysto. Waxaan kaloo ugu baaqeynaa Ethiopia inay kasoo baxdo masuuliyadda ka saaran shacabka ku hoos nool, sida ku cad Xeerarka Geneva." Kaalinta Ethiopia ee xadgudubyada Marka hadalkaaga ma laga soo bixi karaa in Ethiopia ay qeyb libaax ka geysatay gabood-fallada dhacay, ayaan weydiiyey mudanaha. Wuxuuna iigu jawaabay: "Ma jiro dal raba in la heysto. Mareykanku-ba uma dulqaateen inuu dal ajnabi ah heysto. Waana inaan sidaas si lamid ah ka filno shacab walba, oo uu kamid yahay shacabka Soomaaliyeed. Markaa, waa dhab, waa jirtaa in xadgudubyo dhaceen. Sidaas darteed, waa in la hakiyo, iyadoo lala kaashanayo dowladda Ethiopia, iyaguna waa inay si nabadi ku jirto, oo cad ay usoo bandhigaan jadwalkii ay ku bixi lahaayeen. Sidaas ayaan ku baaqeynaa." Mar aan Keith Ellison weydiiyey aragtidiisa ku aaddan shirka dhinacyada Soomaalida uga socda dalka Djibouti, wuxuu ii sheegay inuu taageersan yahay. Wuxuuna raaciyey: "Waxay ila tahay in caalamka iyo Mareykankuba ay taageeraan dadaalkaas. Waxaanan ku rajo weynahay in mooshinkan aan soo gudbiyey uu astaan taageero u noqdo dadkaas isku taxallujinaya inay nabad ku gaaraan wada-xaajoodka ka socda Djibouti." Dhaqan-galka mooshinka Inkastoo uusan mooshinkani aheyn mid sharci ahaan u dhaqan galay, haddana Keith Ellison wuxuu sheegay inuusan ka reebeyn inuu mustaqbalka soo mooshinno kale, oo sharci ahaan u hirgalaya, kuna khasbaya dowladda Mareykanka inay fuliso. Mr. Ellison ayaa sheegay in jaaliyadda Soomaalida ee Minnesota ee uu matalo, uu kala tashan doono sida ugu habboon ee ay iyaga la tahay in Mareykanku uu kaalin ugu yeesho nabad kusoo dabbaalidda dalka. Ugu dambeyntii, mooshinkan aan xanafta laheyn ee uu mudanuhu soo gudbiyey xilligan, sow dadka qaar kuma doodi karaan inuu yahay mid aan tayo iyo tiro toona laheyn, ayaan weydiiyey mudanaha, wuxuuna iigu jawaabay: "Wey ku saxan yihiin dadkaas. Waxaan u baahannahay tallaabo cudud leh oo hore-u-kac leh. Muddo dheer ayaa kasoo weeragatay tan iyo markii uu Mareykanku wax ka qabtay Soomaaliya. Ujeeddada mooshinkan waa in dib loo soo nooleeyo arrimaha Somalia. Haddii aad u eegto mooshinkan inuu yahay waxa ugu dambeeya ee aan sameyno, waad dhihi kartaa inuu yahay waa mid aan tiro iyo tayo laheyn. Laakiin haddii aad u fahamto inuu yahay tallaabo weyn oo lagu soo nooleynayo sidii nabad loogu soo dabbaali lahaa Soomaaliya, waad garowsaneysaa inuu yahay billow wanaagsan." |
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||