BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
17 Sebtembar, 2008, 13:30 GMT; 16:30 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Dagaal ka dhacay Muqdisho
 

 
 
dhaawac
Dad rayid u badan ayaa ku dhaawacma dagaallada Muqdisho
Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu dagaal ka dhacay halkii hore u ahayd xaruntii Guul wadeyaasha ee degmada Hodan, halkaasoo ay isaga horyimaadeen ciidamada dowladda KMG ah iyo kooxaha ka soo horjeeda.

Dagaalkan ayaa waxa uu ka dambeeyey dagaal isagana maalintii shalay ka dhacay degaanno badan oo isla magaalada Muqdisho ah.

Dagaalka ayaa khasaaraha tooska ah ee uu geysanayo dagaalka ka sokow ay jiraan madaafiic aan loo meel dayin oo ku habsanaya guryaha dadka rayidka ah ee magaalada Muqdisho.

Dagaalladan ka soconaya magaalada Muqdisho ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo maalin kadib la filayo inay dhaqan gasho xabad joojintii dhexmartay dowladda KMG ah ee Somalia iyo Isbahaysiga Dib u Xoreynta ee dhawaan ku heshiiyay waddanka Djibouti.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin