BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
15 Sebtembar, 2008, 12:30 GMT; 15:30 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Markab WFP oo gaaray dekedda Bosaaso
 

 
 
wfp
Raashinka WFP waxa ku tiirsan dadka bara kacay
Markab sida raashin gargaar ah oo ay ku deeqday hay’adda WFP looguna tala galay qaxootiyada iyo dadka taagta daran ee ku sugan maamul goboleedka Puntland ayaa gaaray dekeda magaalada Bosaaso.

Gargaarkani uu ku soo beegmay xilli ay halkaasi ka jirto cunto yaraan iyo dhaqaale burbur saameeyey qaxootiyada iyo dad kale oo fara badan.

Sida ay BBCda u sheegayaan saraakiil ka tirsan WFP markabkani wuxuu sidaa gargaar dhan 2700 mtan oo isugu jira bariis, digir iyo haruur kaas oo loogu talagalay xeryaha qaxootiyada ee IDPs loo yaqaanno iyo dad kale oo loo arkay in iyaguna ay xaaladdu ku adag tahay.

Tira ahaan waxaa qorshuhu yahay in gargaarkan ay ka faa’idaystaan 7000 oo qoys oo isugu jira danyarta iyo qoysas ka tirsan xeryaha qaxootiga hase ahaatee aan weli qayb ka helin gargaarka ay bixiso WFP gaar ahaana bilihii ugu dambeeyay.

Qaybinta gargaarkan waxaa si wadajir ah isaga kaashan doona hay’adda WFP,DRC iyo maamulka iyadoo xilligan mudnaanta koowaad la siin doono qaxootiyada Bosaso iyo qoysaska kale ee uu dakhligooda dhaqaale aadka u hooseeyo ee isla Bosaso ku sugan.

Waxaa muuqata in gargaarkani uu ku soo hagaagay waqti baahi badan loo qabay oo dad badani ay cabanayeen dhaqaale xumo ka dhalatay sicirbararka gobolka ka taagan iyo iyadoo ay taasi dheer tahay hakad ku yimi gargaarka WFP oo inta badan quudin jirtay qaxootiyada gobolka.

Hakadka iyo dib-u-dhaca gargaarka WFP waxaa loo aanaynayaa hawgallada lagu afduubayo maraakiibta ee burcadbadeedka Soomaalidu ay wadaan xeebaha Soomaaliya taas oo haatan uba tallowday marinno ka fog biyaha Somaliya.

Dalka Kanada ayaa haatan si ku meel gaar ah u galbiya maraakiibta WFP ee gargaarka u wadda Somaliya, laakin gargaarka ay galbinayaan maraakiibta Kanada waxay hay’addu ku dejisaa magaalada Muqdisho iyadoo markaa ka dib qorshuhu ahaa in halkaa laga sii daabbulo qaybaha loogu talagalay S/land iyo Puntland.

Lakin cabsida burcad-badeedka ee B/waynta Hindia awgeed taasi ma noqon mid suuragasha waxana raashinka haatan soo gaaray Bosaso laga soo qaaday dalka Djabuti oo hay’addu ay ka samaysay xarun ku meelgaar ah oo gargaarka looga qaado S/land iyo Puntland.

Waxa kale oo walaac ka taagan yahay iyadoo uu xaddidan yahay waqtiga ay maraakiibta Kanada gacanta siinayaan gargaarka WFP iyo kororka hawlgallada burcad-badeedka Soomaalida oo haatan u muuqda kuwo xididdo la sii baxaya oo caalamkuna uusan u soo jeedin sidii uu wax looga qaban lahaa.

Iyadoo xaaladdu ay sidaa tahay ayaa haddana saraakiisha WFP waxay sheegayaan in ku talagalka hay’addu uu yahay in saddexda bilood ee soo socota ay gobollada Puntland ka qaybiso gargaar dhan 56,700 mtan oo raashin ah oo loogu talagalayo dadka la ildaran abaaraha ee gobolka ku dhaqan.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin