|
Yusuf oo iska diiday go'aankii barlamaanka
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa diiday go'aan ay Golaha Baarlamaanku dhawaan isku hortaageen wasiirradii iskood isaga casilay
xukuumadda uu hoggaamiyo R/W Nur Cadde.
Shir jaraa'id oo uu madaxweynaha DKMG ku qabtay Guriga Madaxtooyada ee Muqdisho, ayaa go'aanka baarlamaanku ku sifeeyey mid sharci darro ah, isagoo ku celiyey golahaas.
Golaha Baarlamaanka ayaa toddobaadkii hore kalsoonida kala laabtay 10 wasiir iyo saddex wasiir ku xigeen, kuwaas oo iska casilay xukuumadda Nur Cadde, kaddib markii uu ra'iisul wasaaruhu shaqada ka fariisiyey guddoomiyihii Gobolka Banadir. 'Waxba kama jiraan' "Haddaba Baarlamaanku, hadduu ku xadgudbo hey'adaha kale ee dowladda, sida xukuumadda iyo garsoorka, hadde go'aankiisu waa mid qeyru-sharci ah, oo aan waafaqsaneyn dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u taalla. Sidaas daraadeed, waa mid aan waxba ka jirin," ayuu yiri madaxweyne Yusuf. Madaxweyne Yusuf oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: "Go'aanka Baarlamaanka, waa mid haddii la hirgaliyo duminaya hey'adihii dalka u dhismay. Waa mid ku xadgudbaya heshiiskii lagu soo gaaray magaalada Addis Ababa, markii ay madaxda qaranku halkaas isugu tageen. Waa mid dhaawacaya maslaxadda dalka, abuurayana is-afgaran waa hor leh." Madaxweynaha ayaa go'aankiisa u cuskaday faqro ku qoran Axdiga Qaranka oo u oggolaaneysa inuu diidi karo go'aannada kasoo baxa Golaha Baarlamaanka. Madaxweyne Yusuf ayaa Baarlamaanka ku eedeeyey iney faraha la galeen arrimo siyaasadeed oo aan iyaga khuseyn. "Sideedaba markii xukuumadda loo qaadayo cod kalsooni, kulligeed ayuu khuseeyaaye qaar gaar ah ma khuseeyo," ayuu yiri. Khilaafka DKMG Hadalka kasoo yeeray madaxweyne Yusuf ayaa astaan u ah in khilaafkii u dhaxeeyey madaxda dowladda KMG uu wali taagan yahay. Laakiin lama hubo halka uu ku dambeyn doono, iyo cidda ku guuleysan doonta xarig-jiidka siyaasadeed ee dalka. |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||