|
Askari ka tirsan AMISOM oo la dilay
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Kooxo hubeysan ayaa aroortii Axadda weeraray fariisin ay ciidanka AMISOM ku leeyihiin aagagaarka KM4 ee Muqdisho, iyagoo dilay
askari u dhashay Uganda, laba kalena dhawacay.
Geerida askarigaas iyo dhaawaca labada kaleba waxaa BBC u xaqiijiyey afhayeen u hadlay ciidanka AMISOM ee Midowga Africa, ee ku sugan magaalada Muqdisho. Afhayeenka ayaa sheegay in hoobiyo looga soo ganay daar ay dad rayid ah deggan yihiin, khasaaruhuna uu sidaas ku yimid. Wuxuu sheegay inay ka gaabsadeen inay iyaguna ka jawaabaan weerarkaas, maadaama halka laga soo toogtay ay aheyd meel rayid deggan yahay. Waxaa socota buu yiri sidii askarta dhaawacan loo daryeeli lahaa, midka dhintayna loogu celin lahaa dalkiisa. Baaritaan iyo dhaawacyo Markii uu weerarkaas dhacay kaddib ayeey ciidan ka tirsan DKMG waxa ay baaritaan ugu dhaqaaqeen aagga uu weerarku ka dhacay. Ciidankaas ayaa halkaas ku dhaawacay saddex nin oo ganacsato ah, oo ay ugu tageen halkii ay ganacsiga ku lahaayeen. |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||