|
Dilal iyo dagaallo ka dhacay meelo kala duwan
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Kooxo hubeysan ayaa Sabtidii dilay Cabdi Shire Ugaas oo ah madixii howlo-fulinta Dekedda Muqdisho. Sidoo kale, waxaa Beledweyne
lagu dilay madixii dambi-baarista, Cali Baasaay.
Mr. Shire ayaa la toogtay isagoo fadhiya irridda gurigiisa oo ku yaalla degmada Xamar Jajab ee gobolka Banadir. Dilkiisa waxaa BBC u xaqiijiyey Siciid Siyaad Shirwac, madaxa custom-ka ee Dekedda Muqdisho, oo ay qaraabo hoose yihiin marxuum Shire. Niman bastoolado ku hubeysan ayaa marxuumka madaxa xabbad uga dhuftay, isagoo isla goobtiiba ku geeriyooday. Marxuum Shire wuxuu muddo ka badan 40 sano kasoo shaqeeyey Dekedda Muqdisho. Dilka Beledweyne Magaalda Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa isna maanta lagu toogtay madixii Waaxda Dambi-Baarista ee degmadaas, Col. Cali Maxamed Xasan (Cali Baasaay). Abbaarihii lixdii maqribnimo ayaa sarkaalka waxaa toogtay kooxo bastoolado wata, isagoo maray meel aan sidaas uga sii fogeyn gurigiisa. Dilkiisa ayaa kusoo beegmay saacado kaddib markii ay ammaanka Beledweyne ay la wareegeen malleeshiyo Islaamiyiin ah. Dagaallo dhacay Dhanka kale, dagaallo xooggan oo is-xigxigay ayaa ka dhacay meelo u dhaxeeya degmooyinka Wanla Weyn iyo Buur Hakaba oo ka kala tirsan gobollada Shabeellada Hoose iyo Bay. Dagaalladan oo u dhaxeeyey ciidan Ethiopian ah oo watay kolonyo baabuur ah, iyo kooxaha ku kacsan, ayaa sababay inuu xirmo gabi ahaanba waddada u dhaxeysa Muqdisho iyo Baydhabo. Dagaallada ayaa socday maalmihii Jimcaha iyo Sabtida. |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||