|
Ciidanka Ethiopia oo ka baxay Beledweyne
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Ciidanka Ethiopia ayaa si lama filaan ah Sabtidii isaga baxay Beledweyn, halkaas oo ay ku joogeen 2-bilood. Dadka ayaa soo
dhaweeyey arrintan. Duqa magaalada ayaa hore u raacay ciidanka Ethiopia.
Saacado kaddib markii ay ciidanka Ethiopia baxeen, ayaa waxaa magaalada lagu arkay gawaari kuwa tiknikada ah, oo ay wataan kooxaha kasoo horjeeda Ethiopia, oo isku ballaarinaya goobihii ay ka baxeen ciidanka Ethiopia. Duqa magaalada Beledweyne, Aadan Cabdi Ciise, ayaa BBC u sheegay inuu hadda ku sugan yahay Isgoyska Janta Kuwiin-Dishe, oo ku yaalla duleedka magaaladaas. Wuxuu intaas raaciyey inaan xoog looga saarin magaalada, isla markaana ay soo laaban doonaan. Ciidanka Ethiopia ayaa intii ay magaalada joogeen waxaa magaalada ku dhintay 53 qof, iyadoo ay meesha ka baxeen kaabayaashii nolosha, sida ganacsigii. Sidoo kale, ciidankaas ayaa degganaa guryo ay leeyihiin dad shacab ah, iyo waliba meelo u dhow goobaha lagu cibaadeysto. |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||