|
Heshiiska dowladda iyo mucaaradka
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Barnaamijka Falanqeynta waxaa toddobaadkan uu ku saabsan yahay heshiiskii dib u heshiisiinta ee dowladda KMG ah ee Somalia
iyo Isbahaysiga Dib u Xoreynta ee mucaaradka ay ku kala saxiixdeen waddanka Djibouti.
Waxaa ka qeybgalaya labaddii mas'uul ee dhinaca dowladda iyo mucaaradka u kala saxiixay heshiiska Djibouti Ra'iisul Wasaare ku xigeenka ahna wasiirka warfaafinta Axmed Cabdi Salaan Aadan iyo Madax wada xaajoodka Isbahaysiga Cabdiraxmaan Warsame. Waxaa sidoo kale ka qeybgalaya Cabdirashiid Aadan Seed oo ka tirsan xafiiska Madaxweynaha dowladdda KMG ah oo ku sugan London iyo Guddoomiye ku xigeenka xisbiga mucaaradka Kulmiye ee Somaliland Muuse Biixi oo isna jooga magaalada Hargeisa. Falanqeynta ayaa waxa looga doodayaa caqabadaha ku iman kara heshiiska hirgelintiisa iyo qatarta hortaala, waxaa kale oo looga hadlayaa, arrimaha horyaala labada dhinac sidii ay ku meelmarin lahaayeen heshiiskaasi.
Waxaa kale oo looga doodayaa falanqeynta in dadkii saxda ahaa ay yihiin iyo in kale dadka heshiiska wada oo nabad ka dhalin kara Somalia, mise kuwa ka soo horjeeda ayay ahayd in heshiiska ay ka qeyb qaataan oo ay iyagu nabada keenaa. |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||