BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
05 Sebtembar, 2008, 14:07 GMT; 17:07 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Bayaan ka soo baxay Golaha Ammaanka QM
 
Fadhiga Golaha Ammaanka
Fadhiga Golaha Ammaanka
Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa soo dhoweeyeen heshiiska nabada iyo dib u heshiisiinta ee qeybaha siyaada soomalida ay saxiixeen, waxeyna laba dhinaca ka dalbeen in ay si buuxda u meel mariyaan qodobada ku xusan heshiiskaas.

Axmed Cabdi Nuur ayaa noo soo koobaya waxyaabaha ku xusan bayaan laga soo saaray golaha amaanka ee Qaramada Midoobey.

Wax loogu yeeray heshiiskii Djibouti ee dhexmaray dowladda Federalka ku meel gaarka iyo isbahaysida dib u xoreynta dalka ee la saxiixay 19kii bishii tagtay ee August, waa in uu saldhig u noqnaa nabad waarta, ammaan iyo xasillooni ay helaan dadka Soomaaliyeed, sidaas waxaa lagu sheegay hadal qoraal ah oo ka soo baxay guddoomiyaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Hadalkaasi oo uu akhriyay danjire Michel Kafando oo reer Burkina Faso ah, oo hadda haya guddoomiyenimada wareegta ee golaha ammaanka ee bishan, waxaa kaloo uu leeyahay nabad iyo ammaan la helo waxay keenayaan in ugu dambaysta ciidammada shisheeye ka baxaan dalka Soomaaliya.

Mr Kafando waxaa uu hadalkiisa xoogga ku saaray in ay waajib ku tahay dowladda ku meel gaarka iyo isbahaysga mucaaradka labadaba in ay hirgeliyaan ballanqaadyadoodii ku jiray heshiiska, oo ay ka soo shaqeeyeen xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo wakiilka gaarka ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Axmed Walad Cabdalla.

Si gaar ah, Glaha Ammaanku waxaa uu hoosta uga xarriiqay muhiimadda aadka ah ee dhinacyada oo dhan laga rabo in ay qaadaan dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo xaqiijiyo, dib u dhac la'aan, in caqabad la'aan gargaar aadaminimo iyo kaalmo la gaarsiiyo dadka Soomaaliyeed iyo in dhinacyada heshiiska saxiixay iyo xulafadooda oo dhami ay joojiyaan wixii iska hor imaad hubaysan ah oo dhan.

Golaha Ammaanka oo ka kooban 15 xubnood waxaa uu sheegay inay si joogto ah ula soconayaan hirgelinta heshiiska, waxaana uu goluhu ku celiyay taageerada xoogga leh ee ay u hayaan ciidanka nabad ilaalinta midowga afrika, AMISOM, ee soomaaliya u jooga inay xasiliyaan dalkaas oo aan lahayn dowlad qaran oo shaqeysa tan iyo sanadkii 1991dii.

Waxaa kaloo uu golaha aammanku xusay in dowladda ku meel gaarka iyo isbahaysiga dib u xoreynta dalka ay codsadeen markii heshiiska Djibouti la saxiixayay in qaramada midoobay ay ansixido ayna keento ciidammo caalami ah oo dalka dejiya, waxaana golaha aammaanku sheegay inay ka fiirsanayaan sameynta ciidan nabad ilaalineed ee qaramada midoobay inay hawsha kala wareegaan ciidanka midowga afrika ee Amisom, taas oo ku xiran horumarka laga gaaro habka nabadda iyo hagaajinta xaaladda ammaanka ee dalka Soomaaliya.

Waxaa intaas dheer, hadalka ka soo baxay guddoomiyaha golaha ammaanka ee bishan waxaa uu weydiistay xoghayaha guud ee qaramada midoobay ban ki moon inuu faahfaahiyo qorshihiisa ku talo galka ee hawl gal isku dhafan ee nabad ilaalinta Soomaaliya, oo uu ku soo daro waajibaadkooda shaqo, baaxadda ciidanka iyo meelaha ay ka hawl gelayaan, iyo sidoo kale waddammada laga yaabo inay keenaan ciidammada loo baahan yahay, qalabka ama dhaqaalaha ku baxaya hawl galka ciidankaas.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin