BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
05 Sebtembar, 2008, 12:55 GMT; 15:55 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Ciidamada Ethiopia oo la weeraray
 
Ciidamada Ethiopia
Ciidamada Ethiopia
Wararka kale ee ka imanaya Soomaaliya, ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal culus uu maanta abbaarihii 11kii duhurnimo dagaal dhexmaray ciidamada Ethiopia iyo kooxo ka soo horjeeda.

Dagaalka, ayaa ka dhacay meel labo KM dhanka galbeed ka xigta degmada Bardaale kadib markii xoogagga Islaamiyiinta ay weerar gaadmo ah ku qaadeen Ciidamo Ethiopia oo la socday gawaari kolonyo ah oo ka tagay degmada Baydhaba una sii jeeday dhanka Dooloow.

Dadka deggan degmada Bardaale ayaa BBCda u sheegay in labo nin ay dagaalka kaga dhinteen kooxda islaamiyiinta.

Ciidamada Ethiopia, ayaa sidoo kale wararku sheegay in ay soo gaareen qasaarooyin isugu jira dhimasho oo tirada aan la ogeyn iyo gadiid ay wax ka gaareen.

Ciidamada Ethiopia ayaa weli fadhiya goobtii uu dagaalka maanta ku qabsaday.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin