|
OECD oo soo saartay tiro cusub oo ku saabsan dhaqaalaha adduunka
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Ururka xiriirka dhaqaalaha iyo horumarinta, ayaa soo saaray tiro cusub oo muujinaysa baaxadda uu gaarsiisan yahay hoos u dhaca
dhaqaalaha dunida.
Cilmi-baarista, ayaa muujinaysa in dhaqaalaha Europe uu u shaqaynayo si ka gaabisa intii la saadaalinayay, iyadoo Britain ay tahay dalka ugu daran, oo sanadka inta ka dhimanna hoos uu u sii dhacayo dhaqaaluhu. Dhaqaalaha Jarmalka iyo Talyaaniga, ayaa la sheegay in haba yaraatee aysan waxba ku kordhin, Faransiiskana uu kororkiisu aad u yar yahay. Saadaasha Japan ayaan si dhab ah loo ogayn. Maraykanka ayaa howl wanaagsan qabtay balse OECD, waxay leedahay waxaa dhaqaalaha Maraykanka si dhab ah u daciifiyay dhibaatada daymaha guryaha. |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||