BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
01 Sebtembar, 2008, 21:59 GMT; 00:59 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Mareykanka iyo aragtida cusub ee Caalamka Islaamka
 

 
 
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa horkaceysa isbeddelkan cusub
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa horkaceysa isbeddelkan cusub
Tan iyo markii ay dhaceen weerarradii 11-kii September, ayeey dowladda Mareykanku waxay billowday olole culus oo xagga fikir-ka ah, oo hadafkiisu ahaa in bulsha-weynta Caalamka Islaamka laga weeciyo fikradaha xagjira ee ay wadaan kooxaha sida Al-Qaacida oo kale ah.

Toddobo sano kaddib ayeey Mareykanka u caddaatay inuu ololahaas fashilmay. Sidaas darteed, ayeey Laanta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka u qaabilsan diblomaasiyadda caalamiga ah, waxay dhawaan ku dhawaaqday in hadda wixii ka dambeeya uu Mareykanku loollanka xagga fikirka ah u dayn doono inuu ka dhex aloosmo Islaamiyiinta qunyar-socodka ah, iyo kuwa xag-jirka ah.

Haddaba isbeddelkani saameyn intee le'eg ayuu ku leeyahay Islaamiyiinta Soomaalida?

Nuxurka isbeddelka

Nuxurka isbeddelkani wuxuu ku saleysan yahay Mareykanka oo garowsday in, si uu uga adkaado fikradaha xagjira ee Al-Qaacida, ay tahay inuusan is-hortaagin yididiilooyinka siyaasadeed ee Islaamiyiinta qunyar-socodka ah.

Tabta uu Mareykanku u marayo isbeddelkanna, waa inaan humaagiisa laga dheehan loollanka xagga fikirka ah ee ka dhaxeeya qaybaha kala duwan ee Islaamiyiinta.

Saameynta Somalia

Inkastoo aysan jirin caddeymo muujinaya inuu Mareykanku isbeddelkan cusub ku dabbaqay Soomaaliya, haddana wuxuu kusoo beegmay markii uu billowday heshiiska laga dhex wado DKMG iyo Isbaheysiga Dibu-Xoreynta.

Heshiiskan, ayaa sida la wada ogsoon yahay laba garab u kala dhantaalay Isbaheysiga mucaaradka ah. Garabyadaas ayuu waliba Mareykanku u muuqdaa inuu u janjeero midka Djibouti, sida ay BBC-da dhawaan u sheegtay Jendayi Frazer, oo ah haweeneyda Mareykanka u qaabilsan Africa.

Dabcan Mareykanka looma saarin karo eedda kala jabka Isbaheysiga, laakiin sow laguma doodi karo in u kala hiillinta garabyada Isbaheysiga ay sii cakireyso xaaladda murugsan ee Soomaaliya, halis-na ay ku tahay garabka Djibouti, oo ayba dhici karto inay ku waayaan taageerada ay ka heystaan shacabka, haddii laga dheehdo gacanta Mareykanka.

Su'aashaas ayaan waydiiyey Frankie Martin, oo ah qoraa ka faallooda siyaasadda Soomaaliya, baare-sarena ka ah Xarunta Ibn-Khaldun ee Jaamacadda American University ee magaaladan Washington.

Wuxuu ku jawaabay:

"Waa dood meesha ku jirta. Waana sababta aan uga hadlay halista ay leedahay in ukumahaago oo dhan aad dambiil qura isugu geyso. Mareykanku waa inuu garowsado in siyaasadihiisa aan Soomaaliya laga jecleyn, maadaama uu howlgalka Ethiopia taageeray.

Markii haddii aad si weyn u taageerto hal qof, waxaa dhici karta inaad iska fogeyso kuwa kale. Sidaas darteed ayaan ugu baahannahay xal wada idleeya dhinacyada oo dhan."

Laakiin Mareykanku sidaa wax uma arko. Sida uu sharraxayo James Glassman, oo ah Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Diblomaasiyadda Caalamiga ah, hadafka Mareykanku waa in lafa-geel, iyaga la'isku jabiyo.

Wuxuu yiri:

"Hadafka aan ka leenahay loollankan xagga fikirka ah, waa inaan abuurno jawi cadow ku ah kooxaha xagjira ee dagaallama. Loollankan waa mid aan si hagar la'aan ah ugu jirno. Waana mid aan ku guuleysan doonno."

James Glassmann
 Hadafka aan ka leenahay loollankan xagga fikirka ah, waa inaan abuurno jawi cadow ku ah kooxaha xagjira ee dagaallama. Loollankan waa mid aan si hagar la'aan ah ugu jirno. Waana mid aan ku guuleysan doonno.
 

"Howlgalkanina waa mid caadi ahaan aan looga maarmin dad aan Mareykan aheyn, oo aan taageerno, isla markaana dhiirri galinno. Waa dadaal aan looga maarmin dad Muslimiin ah oo wargal ah."

Tusaalooyin

Mareykanka waxaa isbeddelkan ku dhaliyey dhacdooyin dhowr ah, oo ay ku arkeen Islaamiyiin badan oo ku kacay fikirka Al-Qaacida.

Sanad kahor markii uu Mareykanku u caal-waayey Al-Qaacidada Ciraaq, wuxuu markii dambe miciin-biday Sunniyiinta waddaniyiinta ah ee gobolka Al-Anbaar, kuwaas oo inta Mareykanka la saftay dagaal ku jabiyey Al-Qaacidada Ciraaq.

Tusaalayaasha kale waxaa kamid ah wadaad caan ah oo la yiraahdo Dr. Salman Al-Cawdah, oo u dhashay Boqoryooda Sucuudiga, asalkiisii horena xiriir soke la lahaa Osama Bin-Laden, ayaa sanadkii hore si ba'an u cambeereeyey Al-Qaacida, isagoo ku eedeeyey inay xasuuqeen Muslimiin ka badan dadka aan Muslimiin-ta aheyn, ee ay dileen.

Tiirarka isbeddelkan

Sarkaalka Mareykanka ah ee horkacaya isbeddelkan, James Glassmann, ayaa ku doodaya in kaalinta Mareykanku ay ku siman tahay inuu tashiilaad u sameeyo Muslimiinta aan Mareykan-diidka aheyn, ee doonaya inay dalkooda wax ka qabtaan, wuxuuna intaas raaciyey in isbeddelkan uu ku qotomo laba tiir:

Kow: In la weeciyo tirada dadka ay qortaan kooxaha xagjira, iyadoo dadkaas lagu jeedinayo mashaariic kale oo xagga tiknoolajiyada, Sports-ka iyo siyaasaddab leh.

Labo: In la abuuro dhaqdhaqaaqyo la loollama kuwa xagjira, kulana tartama saaxadda fikradaha, aqoonta, dhaqanka iyo siyaasadda ee dalalkooda.

Sidee ayey Maxkamaduhu u arkaan?

Prof. Ibrahim Caddow, oo ah xoghayaha arrimaha dibadda ee Midowga Maxkamadaha, ayaan waydiiyey aragtidiisa ku beegan isbeddelkan cusub.

Wuxuu ii sheegay inuu ka warsugayo arrintan, isla markaana uusan jirin xiriir toos ah oo uu Mareykanku lasoo sameeyey Maxkamadaha, balse inuusan la dhacsaneyn kala qaybinta Islaamiyiinta.

Ibraahim Caddow
 Dadka in la kala qaybiyo, oo la yiraahdo qaarna waa qunyar-socodm, qaarna waa asal-raac, shaqeynmeyso
 

Marka laga soo tago saameynta aan caddeyn ee uu isbeddelkan ku yeelan karo siyaasadda Soomaaliya, khubarada qaar ayaa u arka inuu halis kale leeyahay, taas oo ah inuu Mareykanku u muuqanayo inuu kala xulanayo fikradaha kala duwan ee Diinta Islaamka.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin