28 Agoosto, 2008, 10:27 GMT; 13:27 SGA
Ra'iisul Wasaaraha Ethiopia, Meles Zenawi, ayaa sheegay inuu diyaar u yahay in ciidamadiisa uu kala baxo Somalia, xitaa haddii dowladda KMG ah ee ay u galeen Somalia inay taageeraan ay saldhigan weyso.
Ethiopia ayaa waxay waddanka deriska la ah ee Somalia qabsatay sanadkii 2006, si ay meesha uga saaraan maliishiyadii Islaamiga, oo ay keenaan dowladda KMG ah.
Ethiopia ayaa sheegtay in aysan ka bixi doonin Somalia, ilaa dowladda ay awood buuxda ka yeelaneyso, laakiin waxaa soo baxayay walaac sii kordhaya oo ku saabsan dhererka iyo qarashka ku baxaya hawgalka.
Wareysi uu siiyay wargeyska Financial Times, ayaa Mr Meles waxa uu ku qirtay cadaadiska xagga dhaqaale ee ay tahay in xisaabta lagu daro, isagoo sii raaciyay in ujeedadu joogitaankoodu aanay ahayn mid iska weligeed.
Meles waxa uu ku eedeeyay Reer Galbeedka degenaansho la'aanta sii socota, oo uu sheegay inay sameeyeen ballan qaad aan sidaa u sii weyneyn oo dhaqaale iyo taageero siyaasadeed ah si lagu keeno ciidamo ka socda Midowga Africa.
Weriyeyaasha ayaa sheegaya in ay tahay tilmaantii ugu xooga badneyd ilaa iyo hadda ay Ethiopia sheegto inay gaartay waxyaabihii ay muhiimadda siineysay.