http://www.bbcsomali.com

28 Agoosto, 2008, 06:51 GMT; 09:51 SGA

Axmed Kismaayo
BBCSomali.com

Eyl: Markab lasii daayey muddo dheer kaddib

Markab kuwa kalluumeysiga ah oo muddo siddeed bilood ah lagu heystay Eyl ayaa lasii daayey Arbacadii. Injineer-kii markabka ayaa geeriyooday, inkastoo lix qof ay badbaadeen.

Warbixinta sii-deynta

Markab ayaa markiiba halkaas ka shiraacday. Markabkan waxaa la qafaashay bartamaha bishii Janaury ee sannadkan.

Geerida farsamo-yaqaan

Intii la haystay markabkan waxaa dushiisa ku geeriyooday injinneerkii dhinaca farsamada ee markabkan, hase ahaatee waxaa iyagoo badqaba dushiisa ku haray lix nin oo laba ay Soomaali tahay afarta kalana ay u dhasheen Idonesiya.

Sii-deynta markabkan sida la sheegayo ayaa ka dhalatay waan-waan labadii maalmood ee la soo dhaafay ay wadeen duqow ka soo jeedda degaanka Eyl, kuwaas oo ugu dambayntii ku guulaystay sii-deynta markabkaas.

Markabkan oo ahaa noocyada yar-yar ee kalluumaysiga waxaa laga leeyahay dalka Cumaan, waxana la qabtay isagoo kalluun ka iibsaday magaalada Boosaaso, kaddibna waxaa lala tegay xeebta Garacad, iyadoo waqti kaddibna loo wareejiyay xeebta Eyl.

Madax-furasho

Kooxda markabkan qafaalatay waxay mar walba codsanayeen in la siiyo madax-furasho lacageed. Hase ahaatee C/risaaq Cali Siciid, oo ka wakiil ahaa markabkan oo BBCda u warramay ayaa sheegay in markabkan lagu sii daayey dadaalka odayaasha oo aan laga bixin madax-furasho.

Sii-deynta markabkan waxaa marar badan codsaday maamulka iyo waxgaradka gobolka, gaar ahaan culimada diinta oo meelo badan kaga hadlay. Hase ahaatee burcadii haysatay ayaa ku adkaysatay inaysan suuragl ahayn siidaynta markabka ilaa ay helaan lacag madaxfurasho ah.

Geeri kale

Nin kale oo u dhashay dalka Filibiin oo la socday markab laga leeyahay dalka Jabaan oo dhowaan laga afduubay gacanka Cadmeed ayaa isaguna geeriyooday inkasta oo aan ilaa iyo hadda laga warqabin sababta uu ninkaasi u dhintay.

Markabkab kale oo isna laga leeyahay dalka Iiraan oo toddobaadkii hore ay qafaasheen burcad Soomaali ah ayaa haatan waxa la geeyay xeebta degmada Baargaal ee gobolka Bari.

Ma jirto cid si toos ah uga war heysa xaaladda markabkaas oo ah nooca xamuulka, welina burcadda haysataa uma aanay suuragelin inay u degaan berriga iyadoo dhinaca kalana aanay jirin cid ka tagtay Baargaal oo markabka dushiisa u baxday.

Afar markab oo la heysto

Afar markab oo kale oo dhammaantood kuwa xamuulka ah ayaa haatan iyana ku sugan xeebta degmada Eyl, marka la isu wada geeyana waxaa xeebaha Soomaaliya xilligan gacanta burcad badeedka ku jira lix markab oo qaarkood aan weli la ogayn halka lala tegay hase ahaatee la xaqiijiyay inay u gacan galeen burcad Soomaali ah.

Afar ka mid ah lixda markab ee la hayo waxay burcad badeedka Soomaalida u gacan galeen toddobaadkii la soo dhaafay iyadoo saddex ka mid ah maraakiibtaas la qabtay mar keliya khamiistii aynu soo dhaafnay.

Arrintaas oo welwel badan ku abuurtay caalamka oo dhan ayaa waxa soo baxayay warar sheegaya inay jiraan maraakiib kuwa dagaalka ah oo ay leeyihiin dalal kala duwan oo ku raadjooga maraakiibta la qafaashay hase ahaatee ilaa iyo haatan ma muuqato wax tallaabbo ah oo arrintan laga qaaday.