27 Agoosto, 2008, 06:01 GMT; 09:01 SGA
Maxamed Xaaji Xuseen
BBCSomali.com
Golaha Ammaanka QM ayaa Talaadadii fadhi ka yeeshay arrimaha Somalia, isagoo isla soo qaaday bal sida ugu fudud ee ciidan caalami ah loogu diri karo dalka Soomaaliya.
Danjiraha Qaramada Midoobay u fadhiya Somalia, Axmed Walad-Cabdallah, ayaa isagu hadal kasoo jeediyey kalfadhigaas, isagoo sheegay in inkastoo ay jirto rajo, haddana ay soo if-baxayaan qalalaase horleh oo kasoo cusboonaaday meelo ay kamid tahay magaalada xeebta ah ee Kismaayo.
Golaha ayaa lagu wadaa inay sii wadaan doodda ku saabsan ciidanka caalamiga ah ee loo wado Soomaaliya, toddobaadyada soo socda. Ergada boqortooyda Britain u fadhida Qaramada Midoobay, ayaa loo xilsaaray inay kasoo shaqeeyaan hannaanka ugu wanaagsan ee ciidankaas Soomaaliya loogu diri karo.
Tan iyo markii ay dhinacyada Soomaalidu heshiis ku gaareen dalka Djibouti, bishii June, ayaa waxaa Golaha Ammaanka ka socday dhaqdhaqaaq xooggan oo lagu doonayo in arrimaha Soomaaliya wax looga qabto.