http://www.bbcsomali.com

22 Agoosto, 2008, 19:46 GMT; 22:46 SGA

Bashkas Jug Soo dhacay
BBC Ethiopia

Xaaladda gobolka Soomaalida ee Ethiopia

Xaaladda nolosha dadka iyo duunyada ee gobolka ismaamulka Soomaalida ee waddanka Ethiopia ayaa ka sii dartay kadib markii saddex sano aanay roobab ka di'in halkaasi.

Warbixinta Siigaale

Magaalada Godey iyo deegaanada u dhaw dhaw ayaa waxa dadka iyo duunyada soo food saaray abaaro ba'an oo keenay in xooluhu le'daan dadkuna ay macluulaan.

Warbixinta Godey

Waxaa sidoo kale ay biyo la'aan iyo cuntada oo gabaabsi ku ah ay keentay in cuduro badan inay ka dhashaan halkaasi oo ay dadka gaar ahaan carruurta iyo haweenku la il daran yihiin.

Odoyaasha iyo waxgaradka gobolka Soomaalida ee Ethiopia ayaa qeylo dhaan u jeediyay hey'addaha caalamiga ah inay kaalmo la soo gaaraan dadkaasi.