21 Agoosto, 2008, 12:57 GMT; 15:57 SGA
Maxamed M. Dhoore
BBC Mogadishu
Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhintay, ilaa 20 kalena waa ay ku dhaawacmeen madaafiic saaka lagu duqeeyay soo dhacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Madaafiicda lagu garaacay Suuqa Bakaaraha ayaa la sheegay inay ka soo dhaceysay dhinaca Madaxtooyada iyo Garoonka Stadium Muqdisho oo xarruun u ah ciidamada Ethiopia.
Dadka dhintay oo rayid ahaa, ayaa intooda badan waxaa uu madfac kula dhacay Masaajidka Abuu Hureyra ee ku yaal suuqa Bakaaraha, xilli dadku ay dukanayeen salaadda Duhur.
Magaalada Muqdisho ayaa waxa maalintii saddexaad ka socda dagaal u dhexeeya ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda oo dhinac
ah iyo kooxaha kacdoonka wada ee ka soo horjeeda.