http://www.bbcsomali.com

15 Agoosto, 2008, 18:03 GMT; 21:03 SGA

Maxamed Ibrahim Macallimu
BBCSomali.com

Ciidanka Ethiopia oo rayid badan ku laayey Carbiska

Ciidanka Ethiopia ayaa dilay 40 qof, 20 kalena dhaawacay markii ay rasaas oodda uga qaadeen dad rayid ah oo la socday laba bus oo mareyey duleedka magaalada Muqdisho.

Warbixinta weerarka

Falkan ayaa dhacay kaddib markii ay kolonyo ciidanka Ethiopia ah oo marayey waddada isku xirta Muqdihso iyo Afgooye ay la qaraxday miino loogu aasay waddada dhankeeda.

Khasaaraha gaaray ciidanka Ethiopia ayaan la hubin, mana ka hadlaan weerarrada ay qaadeen iyo kuwa lago soo qaado toona.

Wariyaha BBC ee Muqdisho, Maxmed Ibrahim Macallimu, ayaa kusoo warramaya in dilkan baahsan uu saameyn weyn ku yeeshay isu-socodka waddadaas, iyo waliba ganacsigii halkaas ka socday.

Dadka wax ku noqday weerarkan ayaa u badan kuwa awalba kasoo barakacay colaadda ka aloosan magaalada Muqdisho.