http://www.bbcsomali.com

14 Agoosto, 2008, 11:08 GMT; 14:08 SGA

Markab hor leh oo lagu afduubay xeebaha Somalia

Markab laga leeyahay waddanka Thailand oo kuwa rakaabka ayaa burcad badeed ku afduubeen xeebaha waddanka Somalia.

Xaruunta Hey'adda caalamiga ah ee baddaha ee ka waranta burcad badeedka ayaa sheegtay in markabkaasi lagu afduubay Ganacka Cadmeed ee u dhexeeta Somalia iyo yemen, kadibna loo kaxaystay dhinaca xeebta Somalia.

Kani waxa uu noqonayaa weerarkii ugu danbeeyay ee burcadda badeedka ku sugan xeebaha Somalia.

Hey'addu waxay sheegtay in ay u badan tahay in afduubka maraakiibtu sii bato hadii aan QM iyo Wadamada xooga leh aanay qaadin talaabo lagula dagaalamayo burcad badeedka xeebaha Somalia.