http://www.bbcsomali.com

11 Agoosto, 2008, 12:38 GMT; 15:38 SGA

Wada hadalkii Zimbabwe oo la isku soo laabanayo

Dowladda iyo mucaaradka Zimbabwe ayaa dib isugu soo laabanaya wada hadalkii awood qeybsiga, iyadoo Madaxweyne Robert Mugabe uu sheegay inuu ku kalsoon yahay in heshiis la saxiixo.

Warbixinta Zimbabwe

Qoddobada heshiiskan labada dhinac ee MDC iyo ZANU PF ee laga wada doodayo, ayaa waxa ka mid ah in Robert Mugabe uu sii ahaado Madaxweynaha waddanka Zimbabwe. Hogaamiyaha mucaaradka Morgan Tsvangirai uu noqdo Ra'iisul Wasaare.

Laakiin arinta meesha taagan ayaa waxa ay tahay sidii ay awoodda u qeybsan lahaayeen, waxay u muuqataa in wada hadaladii dhererka badnaa ee shalay dhexmaraya labada nin lasoo xiray, iyadoo la isku afgaran waayay, qaabka loo sameynayo golaha cusub ee wasiirada dowladda Zimbabwe.

Doorashooyinkii ka dhacay waddankaasi Zimbabwe xisbiga mucaaradka ee MDC waxa ay ku guuleeysteen doorashadii baarlamaanka, waxaana taasi iyagoo ka ambaqaadaya ay mucaraadku dalbanayaan in la qoondeeyo tiro wasiiro oo u dhiganta natiijadaasi doorashada.

Kadib isagoo ka qeybgalay xaflad loo qabanayay Ragga loo yeero rug cadaagii dagaalka ayaa Madaxweyne Robert Mugabe la filayaa in uu dib ugu laabto maanta gelinka danbe wada xaajoodkii kala dhexeeyay xisbiga mucaaradka.

Ninka isaguna dhex dhexaadinayo wada hadalka waa Madaxweynaha Koonfurta Afrika Thabo Mbeki waxa ay u muuqataa inay ka go'an tahay in uu sii joogo magaalada Harare ilaa heshiis buuxa laga gaarayo xiisada siyaasadeed ee waddanka Zimbabwe in dhawaalaba ka aloosneyd.