04 Agoosto, 2008, 15:50 GMT; 18:50 SGA
Mohammud Ali
BBC Nairobi
Mohammed Fasul Cabdalla waa nin ay xukuumadda Marayknaka si aad ah u raadinaysay 10-kii sanno ee la soo dhaafay, ka dib markii ay la xiriirisay qaraxyaddii lagu weeraray safaaradaha marayknka uu ku lahaa Kenya iyo Tanzania sannadkii 1998-kii oo ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 250 qof kuna dhaawacmeen in ka badan 5 kun oo kale.
Laanta sir doonka ee Maraykanka ee CIA-da aya waxay madaixiisu digtay 5 millyan oo doolar oo la siinayo ciddii soo gacan gelisa ama booliska u gudbisa warbixin horseedi karta qabashadiisa.
Fasul Cabdalla, waxa uu marayknku sheegay in uu masuul ka ahaa weraradii lagu qaaday safaaradaha maraykanka ee Bariga Africa waxayna u aqoonsadeen in uu haggaaminayo kooxda ururka al-qaacida ugu qaabilsan bariga africa.
Waxay in muddo ah xukuumada Maraynka uga shakisanayd in ninkan uu xaruun ka samaystay Dalka Somalia iyagoo sidoo kalana sheegay in uu gacan siinayey gollahii maxakmadaha islaamiga xilligii uu socday dagaalakii dabayaaqadii 2006 ka qarxay Somalia.
Booliska dalka kenya aya sheegay in ninkan uu uga baxsaday si dirqi ah habeenimadii sabtida ka dib markii ay ku raad taaganayeen muddo todobaad ah oo ay ka baadi goobayeen magaalada Malindi ee ku taala gobolka xeebta ee Dalkan Kenya.
Wararka laga helayo booliska ay sheegaya in Fasul Cabdalla uu ka baxay gurigii uu ku sugnaa daqiiqado yar un ka hor intii aanay boolisku halkaas gaarin waxayna sheegeen in uu u yimid dalka si uu helo dawaayn xannun xagga kelyaha ah owgeed.
Waxa socda howgal ballaaran oo lagu baadi goobayo ninkaan, oo ay waddaan ciidamada amniga waxayna booliska ilaala xooggan ka hayaan Garoomada , iyo xuduudaha ay kenya la wadaagto soomalia, iyadoo sidoo kalana ay boolisku sheegayaan in ninkan aanu haysan basboor iyo lacag toona .
Waxay aaminsanayihiin in uu weli ku suganyahay gudaha dalka kenya.
Baxsashada ninkan waxay ay ku soo beegamayasa iyadoo ay maalmo inaga xigto xuska sannad-guurada 10-naa ee ka soo waraygtay qaraxii safaarada Maraykanka ee Nairobi.