|
Madaxda DKMG oo Baydhabo gaaray
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Madaxweynaha dowladda KMG ah, C/llahi Yusuf iyo R/Wasaare Nuur Cadde ayaa ku laabtay magaalada Baydhabo, waxana si diirran
usoo dhaweeyey xildhibaanno iyo wasiirro.
Madaxda ugu sarreysa dowladda KMG ah waxaa kaga hortagay garoonka diyaarahada wasiiro iyo xildhibaano iyo waliba madaxda maamulka Gobbolka Bay bay. Madaxdan ayaad mooday in ay sugayeen dib ugu soo noqoshada dalka ee madaxdani, oo mudo labo toddobaad ku dhow safar ugu maqnaa dalka Ethiopia. Si madaxda Ethiopia iyo sarakiisha Midowga Afrika u xalliyaan khilaaf u dhaxeeyay Madaxweyne Yusuf iyo ra'iisul wasaare Nur Cadde iyadoo afhayeenka baarlamankana, mudane Adan Madoobe uu kamid ahaa dadkii halkaas looga yeeray. Xildhibaano ku sugan magaalada Baydhaba oo aan fiidkii Arbacada la hadlay ayaa ii sheegay in Khamiista uu madaxweynaha iyo masuuliyiinta kaleba hor tagi doonaan barlamanka, iyagoo yeelanaya kalfadhi aan caadi ahayn oo warbixinta looga dhageysanayo madaxda sare, si mudanayaashu ay u ogaadan safarkoodi iyo wixi lagu soo heshiisiiyay. Soo laabashada masuuliyiintan oo sidda qodobo ay heshiis kuyihiin ayaan la ogayn waxa uu ka baddali karo xusul-duub xildhibaano xulafo la'ah Maxadweyne Yusuf ugu jireen mooshin kalsooni loogu qaadayo xukumada Nur Cadde, halka Xildhibaanno kalena ay difaacayeen. Khilaafka siyaasadeed oo muddo ka dhex aloosnaa Madaxweyne Yusuf iyo R/wasaare Nur Cadde, ayaa qalqal galiyay mustaqbalka siyaasadeed ee dalka iyo hannaan-socodka dib u heshiisiinta dalka. Dad badani ayaa u arka in heshiiska Addis Ababa dhawaan lagu gaaray uu yahay mid xambaarsan ifafaalo horay loogu riixi karo ka miro-dhalinta heshiiska Djibouti ee Mucaradka iyo Dowladda. Halka kuwo kalena ay qabaan in heshiiska madaxdani aanu ahayn mid ku yimid rabitaan waafi ah iyo tanaasul danta guud ah balse uu ka dhashay cadaadis heer gobol iyo mid caalami ah. |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||