BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
28 Agoosto, 2008, 07:12 GMT; 10:12 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Obama oo si rasmi ah loo caleemo-saaray
 

 
 
Xisbiga Dimoqraadiga ayaa si rasmi ah u caleema saaray Obama
Xisbiga Dimoqraadiga ayaa si rasmi ah u caleema saaray Obama
Xisbiga Dimoqradiga ee dalka Mareykanka ayaa Arbacadii si rasmi ah u caleemo-saaray Barack Obama siuu u noqdo musharraxooda, doorashada madaxweynanimo ee dalkaas.

Kumannaan kun oo ergo oo ka kala socda kontonka gobol ee Mareykanka, iyo deegaannada kale ee Mareykanka ka tirsan, ayaa meel-mariyey mooshin si rasmi ah musharrax looga dhigayo Sen. Obama.

Madaxweyne Clinton

Dadkii halkaas ka hadlay waxaa kamid ahaa madaxweynihii hore ee Mareykanka, Bill Clinton, iyo xaaskiisa, Sen. Hillary Clinton. Labadan masuul ayaa sheegay in si kal iyo laab ah ay uga shaqeyn doonaan sidii uu Obama u noqon lahaa madaxweynaha Mareykanka.

Sen. Joe Biden

Barack Obama iyo Joe Biden
Barack Obama iyo Joe Biden

Waxaa isna goobta magacaabistiisa ku aqbalay musharraxa madaxweyne-ku-xigeennimo ee Xisbiga Dimoqraadiga, Senator Joe Biden, kaasoo khudbad xammaasad leh ka jeediyey kulanka.

Xulasho taariikhi ah

Caleemo-saarka lagu sameeyey Obama waa tallaabo taariikhi ah. Waa markii ugu horreysay ee qof madow ah uu Mareykanka musharrax u noqdo mid kamid ah labada xisbi ee maamulka dalka Mareykanka isku beddela. Arrintan ayaa ah fursad dhab ah oo uu Obama ku hanan karo jagada madaxweynanimo, taas oo haddii ay dhacdo noqon doonta mid kale oo taariikhi ah.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin