BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
27 Agoosto, 2008, 06:30 GMT; 09:30 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Wiil uu dhalay xildhibaan oo weerar lagu dilay
 

 
 
Qaraxyada lala beegsanayo xildhibaannada ayaa isa soo taraya
Qaraxyada lala beegsanayo xildhibaannada ayaa isa soo taraya
Garneyl lala beegsaday guri ay Baydhabo ka deggan yihiin mudanayaal ka tirsan Golaha Baarlamaanka ayaa lagu dilay laba wiil oo mid uu dhalay Xildhibaan Maxamed Xuseen Raage.

Wiilka dhintay waxaa la dhihi jira Cabdiqani Max'ed Xuseen.

Xildhibaan Raage oo kamid ah kuwa kasoo jeeda gobolka Hiiraan, ayaa halkaas ku waayey wiilkiisa curadka ah, sida uu BBC u xaqiijiyey xildhibaan kale oo isna kasoo jeeda gobolka Hiiraan.

Kooxda garneylka tuuray ayaa baxsaday, markii ay weerarka geysteen, iyadoo sida muuqata hadafkoodu uu ahaa iney dhibaato geystaan.

Weerarrada lala beegsanayo mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa isa soo taraya dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay.

Dhowr maalmood kahor uun beey aheyd markii garneyl kale lagu weerary guri uu deggan yahay guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaliya.

Dowladda KMG ayaa iyadu ka talisa degmooyin kamid ah Gobolka Banadir, iyo kuwa dalka ku yaalla, sida degmada Baydhabo oo kale.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin