|
M. Dheere oo dhaliilay taliye Ethiopian ah
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Duqa Muqdisho, ahna guddoomiyaha gobolka Banadir, Max'ed Dhere ayaa eedeyn ba'an u jeediyey taliyaha ciidanka Ethiopia ee
ku sugan Somalia, isagoo ku eedeeyey inuu si sharci darro ah u xirtay gabar shaqaale ah.
Gabadhan, oo magaceeda lagu sheegay Aamina Muuse Cadde, ayaa aheyd shaqaale ka tirsan xafiiska canshuuraha ee Gobolka Banadir. Maxamed Dheere ayaa taliyaha ciidanka Ethiopia, oo uusan magiciisa sheegin, ku eedeeyey inuu si aan waafaqsaneyn xeerka iyo dhaqanka iyo waliba diinta Islaam uu xirtay gabadhaas.
Maxamed Dheere ayaa sheegay inuu sarkaalkaas ku dacaweyn doono safaaradda Ethiopia ee ku taalla Muqdisho. Maxamed Dheere ayaa sidoo eedeyn usoo jeediyey ra'iisul wasaare Nuur Cadde oo ay isku qabteen jagada uu hayo ee duqa magaalada Muqdisho. Wuxuu Nuur Cadde ku sifeeyey inuu yahay inuu qof kibir badan. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay inuu isku diyaarinayo doorasho ka dhacda gobolka Banadir, isagoo sheegay inuu rumeysan yahay in lasoo dooran doono. Wareysigaas oo dhinacyo badan taabanaya halkan ka dhageyso. |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||