|
 |
|
| Doodda haweenka Soomaaliyeed ee Mareykanka |
Burburka xoogga leh ee ka dhacay waddanka Somalia waxa uu saameyn ku yeeshay nolosha qoysaska Soomaaliyeed ee ka soo cararay
waddanka Somalia.
Dagaallada Somalia ka soconaya mudada dheer waxa ay sababeen in boqolaal kun oo Soomaali ah ay isaga hayaamaan waddanka oo
ay qaxooti ku noqdaan qurbaha.
Waxaa isbeddel ku yimid nolosha qoysaska Soomaaliyeed, gaar ahaan farqiga u dhexeeya aqoonta waxbarasho ee waalidiinta iyo
carruurtooda, iyo weliba tan ragga iyo dumarka oo saameyn weyna ku yeelan karta mustaqbalka guurka Soomaalida.
Haddaba barnaamijkan Falanqeynta waxa uu ku saabsan yahay dood dhexmaraysa haween Soomaaliyeed oo isugu jira waalidiin iyo
dumar kale oo ku nool waddanka Mareykanka, dhawaana ka qeybgalay shir looga hadlayay kaalinta ay dumarku ku yeelan karaan
toosinta dhaqanka iyo hogaanka bulshada.
|