BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
25 Agoosto, 2008, 17:37 GMT; 20:37 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Labo weriye oo lagu afduubay Somalia
 
nigel
Nigel Brennan waxaa lala afduubay Amanda Lindhout
Laba wareyi oo u dhashay dalalka Australia iyo Canada Nigel Brennan iyo Amanda Lindhout oo sabtidii la waayay ayaa mas'uuliyiinta Somalia ay xaqiijiyeen in la afduubay.

Afhayeenka dowladda KMG ah ee Somalia Cabdi xaaji Goobdoon, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in uu aaminsan yahay in labadaasi wariye la afduubay laakiin aanay ogeyn meesha ay ku sugan yihiin.

Nigel Brennan, Amanda Lindhout iyo laba qof oo waardiyeynayay iyo qof baabuurka u waday ayaa la afduubay iyagoo marayay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Nigel Brennan iyo Amanda Lindhout ayaa ahaa wareyiyaal madax banaan oo u shaqeeya hey'adda warbaahinta ee reer galbeedka, waxaana xilliga la afduubay ay sawiro ka qaadayeen dadka ka barakacay dagaaladda Muqdisho ee ku sugan inta u dhaxeysa Afgooye iyo Muqdisho.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin