|
Laba markab oo lagu afduubay xeebaha Somalia
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Hey'adda badmareenada caalamiga ah ayaa sheegay in laba markab oo laga kala leeyahay wadamada Japan iyo Iran lagu afduubay
xeebaha Somalia.
Dhacdadan ayaa kusoo beegan tay laba maalmood kadib markii Markab kale oo laga lahaa Malaysia ay kooxo Burcad badeed ah ku qafaaleen xeebaha Somalia. Afhayeen u hadlay hey'addaasi ayaa laga soo xigtay, isaga oo leh xaaladdu waxay sii noqotay qatar. Wasiirka Kaluumeysiga iyo dekedaha ee Puntland Axmed Saciid Aw Nuur oo aanu ka wareysanay arrimahan Afduubka maraakiibta oo inta badan ka dhaca xeebaha Puntland, ayaa sheegay in maamulkooda awood u lahayn inay wax ka qabtaan falalka burcad badeedka. |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||