|
Sh. Shariif: Heshiisku waa gabagabo
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Guddoomiyaha Isbaheysiga Dibu-Xoreynta Sh. Shariif Sh. Axmed oo hadda jooga Sudan ayaa gabagabo ku sifeeyey wadahadalka Djibouti
ku dhex maraya DKMG iyo Isbaheysiga.
Sh. Shariif ayaa sheegay in dalka Sudan ay u joogaan sidii ay dowladda dalkaas uga dhaadhacsiin lahaayeen geeddi-socodka nabadda ee ka socda dalka Djibouti. Wuxuu intaas raaciyey in Sudan ay soo dhaweeysay dadaalkaas. Tallaabada xigta Sheekhu wuxuu intaas ku daray in markii uu dhamaado shirka Djibouti, ay dhinacyadu ay heshiiska ay rasmi ah ugu saxiixi doonaan Boqortooyada Sucuudiga. Wuxuu sheegay in go'aannada kasoo baxa Djibouti ay kamid noqon doonaan sidii loo baajin lahaa dilalka faraha badan ee ay geystaan ciidanka Ethiopia. Khilaafka Isbaheysiga Sheekha ayaa sheegay inuu wali socdo dadaal la doonayo in lagu xalliyo xurgufta u dhaxeysa labada garab ee Isbaheysiga ee Asmara iyo Djibouti u kala irdhoobay. Wuxuuse intaas raaciyey in dadaal walba oo lagu mideynayo labada garab uu kaabayo heshiiskii ay horey ugu gaareen magaalada Sanca ee dalka Yemen. Wax walba oo lagu dhameynayo khilaafka ummada Soomaaliyeed diyaar baan u nahay, ayuu yiri Sheekhu. |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||