BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
18 Agoosto, 2008, 12:25 GMT; 15:25 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Sarkaal WFP ka tirsanaa oo lagu dilay Somalia
 

 
 
wfp
Aaskii shaqaale WFP oo dhawaan lagu dilay Somalia
Sarkaal ka tirsanaa hey'adda WFP ee Somalia ayaa koox dabley ah ay ku dileen magaalada Diinsoor ee gobolka Baay.

Afhayeenka WFP ee Somalia Cabdi Ibrahim Jaamac ayaa BBC u sheegay in sarkaalka la dilay oo ahaa kaaliyaha maamulaha maaliyadda ee hey'addaasi ay isaga iyo darawalkiisii afduubeen koox dabley maalintii Jimcaha, kadibna ay dileen.

WFP ayaa sheegtay sarkaalkaasi la dilay xilli uu fasax ku jiray oo uu soo booqanayay qoyskiisa.

Hey'addaha samafalka ee ka hawlgala Somalia ayaa kooxo dabley ah bartilmaameed ka dhigtaan, iyagoo mararka qaar dila ama dalbada madax furasho.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin