BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
18 Agoosto, 2008, 17:29 GMT; 20:29 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Maxkamadaha Islaamiga oo ku shiray Jalalaqsi
 

 
 
maxkamadaha
Maxkamadaha Islaamiga waxay dagaal kula jiraan ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda Somalia
Shir baryahan uga soconayay degmadda Jalalaqsi ee Gobolka Hiiran Saraakiil ka tirsan Maxkamadaha Islaamka oo ka kala yimid Goboladda Hiiraan, Baay, Bakool, Juboyinka, Shabeelooyinka, Gedo iyo Galgaduud oo matalayay dhaqdhaqaaqyadda Hubaysan ee halkaasi kadirira ayaa maanta la soo gabagabeeyay.

Shirkan oo ay kaga arinsanayeen sidii go'aan mideysan ay uga qaadan lahaayeen khilaafka u dhaxeeya garabyada Asmara iyo Djibouti oo ay kala hogaaminayaan Madaxdi ugu sareysay Golaha Maxaakimta Sh. Shariif Sh Axmed iyo Sh Hassan Dahir Aweys.

Shiikh Cabdulqaadir Cali Cumar oo ah ku xigeenka guddoomiyaha Maxkamadaha Islaamka oo ku sugan Jalalaqsi ayaa BBC da u sheegay in ay qodobadda ay shirkan kasoo sareen uu ka mid yahay in Saraakiisha Maxkamadaha ee ku sugan gudaha dalka ay ka midaysan yihiin khilaafka madaxda.

Waxay sheegeen in khilaafkaasi aanu saameyn doonin halgankooda islamarkaana wuxuu xusay in ay ku dadaalayaan sidii loo dhameyn lahaa Khilaafkaasi oo ay gudi dhex dhexaadiya oo culimo ah ka dhex qaban doonaan shirweyne dhawaan Maxkamaduhu ay kuqaban doonaan Gudaha Dalka.

Shirkan ayaa midkii ugu horeeyay ee inta la ogyahay ay Maxkamaduhu ku qabsadaan gudaha dalka tan iyo dabayaqadii 2006 xiligaasi oo awood militeri ay ciidamada iyo ethiopia iyo kuwa dowladu ku maquuniyeen Maxmadaha Islaamka oo Gacanta ku hayay inta badan Konfurta iyo Bartamaha Somalia

Qodobadda quseeya Amaanka ee shirkan looga hadlay waxa ka mid ahaa in Maxkamaduhu ay sii wadayaan dagaalka ay kula jiraan ciidamada ethiopia iyo dowlada KMG ka ah tan iyo inta Ethiopianku ay ku jiraan gudaha Dalka Somalia.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin