|
Perves Musharraf oo is casilay
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Madaxweynaha Pakistan Pervez Musharraf ayaa iscasilaya kadib sagaal sano oo uu hayay awoodda waddanka Pakistan, isagoo lagu
eedeeynayo inuu ku xadgudbay dastuurka.
Madaxweyne Musharaf waxaa mar walba aqoonsanaa Mareykanka oo u arkayay inuu ahaa qofka ugu muhiimsan xulafada dagaalka ay kula jiraan argagaxisada. Go'aankiisii saacado iyo maalmo kadib uu kala noqday taageeradii ay Pakistan siin jirtay Taliban ayaa waxa loo arkayay mid geesinimo leh, oo qeyb ka ahayd dadaal lagu doonayay in lagu burburiyo Taliban.
Xaqiiqdii sida inta badan ay yiraahdaan Saraakiisha Mareykanka iyo Britain wax walba oo khalad ah oo uu sameeyo Musharaf waxa ka sii darnaa kuwa kale, laakiin dareenkaasi waa uu isbedelay dhawrkii bilood ee ugu danbeeyay.
Dad badan oo indha dheeya siyaasadda ayaa sheegaya in bixitaanka Madaxweyne Musharaf in aanay wax sidaa u weyn ka beddeli doonin la dagaalanka argagaxisada. Inkastoo inta badan ay siiyaan madaxweynaha abaalka xirxiritaanka saraakiil fara badan oo ka tirsanaa Alqaacida oo la qabtay saddexdii ama afartii sane ee ka danbeeyay qaraxyadii 9november 2001.
Waxaana ay sheegaan in muddooyinkii ugu danbeeyay uu waxqabadkiisa aad u yaraa. Warar dhinaca sitrdoonka oo reer galbeedka ah ayaa sheegayta in ilaa 2005 Alqaacida ay dib isugu soo abaabaushay dalka Pakistan gaar ahaan dhulka qabaai'lka, laakiin taasi waa ay beenisaa dowladda Pakistan. Waxaa kale oo ay ku eedeeyaan in ciidanka ammaanka ee Pakistan aanay muujin rabitaan ay uga hortagayaan Alqaacida, Taliban iyo kooxaha kale ee ay xuluafada yihiin oo dhamaantood ka hawlgala gobolkaasi.
Hadii uu joogo ama meesha ka baxo Musharaf waxay u muuqataa in aanay waxba iska beddeli doonin arrimaha inta ay Islamabad doonayso inay door ku yeelato waxyaabaha ka dhacaya waddanka deriska la ah ee Afghanistan. Bixitaanka Madaxweyne Musharaf ee xafiiska uu ka degayo ayaa waxa ay kusoo beegantay xilli ay xiisad ba'an ka dhextaagan tahay Washington iyo Islamabad. Halka Mareykanku uu ku cadaadinayo in talaabo waxtarleh laga qaado kooxaha dagaalyahaniinta ah, ayaa Islamabadna waxay ka digeysaa in la dagaalanka argagaxisada uu noqonayo wax aan u cuntami karin shacabka Pakistan, isla markaana ay uu qatar ku yahay degenaansha iyo ammanka guud ee Pakistan. |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||