BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
17 Agoosto, 2008, 21:18 GMT; 00:18 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Guddiyada DKMG iyo Isbaheysiga oo shiraya
 

 
 
Wafdiga Isbahesiga Dibu-Xoreynta Somalia
Wafdiga Isbahesiga Dibu-Xoreynta Somalia
Kulamo is-daba joog ah ayaa maalintii labaad Djibouti uga socda guddiyadii amaanka iyo siyaasadda ee dowladda KMG iyo Isbaheysiga mucaaradka. Irdaha ayaa u xiran shirarka.

Guddiyada ayaa ku mashquulsan sidii ay meel iskula dhigi lahaayeen xagga nabadgelyada iyo siyaasadda. Iyadoo Guddiga Ammaanka ee ka socda dhanka Dowladda KMG ah ay ku jiraan saraakiisha xagga ammaanka ee dowladda, halka Isbaheysigana ay ugu jiraan madax sare.

Guddiga siyaasadda ee dhanka DKMG waxaa hoggaaminaya Axmed Cabdisalaam, oo ah ra'iisul wasaare ku xigeen iyo wasiirka warfaafinta. Dhanka Isbaheysigana waxaa u hoggaaminaya Cabdiraxman Cabdishakuur.

Arrimaha laga wada hadlayo waxaa kamid ah sidii loo fududeyn lahaa howlaha gargaarka bani'aadannimo, kuwaas oo ciriiri badan galay bilihii ugu dambeeyey, iyadoo waliba dadka barakacay ee sii badanayaan.

Haddii aay guddiyadan isku afgartaan wada hadallada u socda, labada dhinac ayaa u duuli doona Sucuudiga, si ay u saxiixaan heshiiskii Djibouti ku gaareen bishii June ee sanadkan.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin