BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
15 Agoosto, 2008, 17:29 GMT; 20:29 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Ciidanka Ethiopia oo la weeraray
 

 
 
Weerarro ayaa lala beegsaday ciidanka Ethiopia
Weerarro ayaa lala beegsaday ciidanka Ethiopia
Laba weerar iyo qaraxyo ayaa lala beegsaday ciidanka dalka Ethiopia ee ku sugan Muqdisho iyo duleedkeeda. Khasaare aan la hubin baaxaddiisa ayaa ka dhashay weerarradaas.

Weerarkii ugu horreeyey ayaa dhacay waaberigii Jimcaha, kaddib markii ciidamo Ethiopian ah oo ku ballaariyey waddada Maka Al-Mukarrama la huwiyey tacshiirad, iyo waliba laba qarax oo u muuqday miino dhulka lagu aasay.

Sida ay sheegayaan goobjoogayaal, miinada ayaa haleeshay askar Ethiopian ah oo lugeynayey, laakiin lama ogaan karo khasaaraha dhabta ah, maadaama aysan ciidanka Ethiopia ka hadlin weerarradu lagu qaado iyo kuwa ay qaadaan.

Ha yeeshee ciidankaas ayaa la sheegay inay dileen shan qof oo ay guryaha aaggaas kala soo bexeen.

Weerarka kale ayaa ka dhacay deegaanka KM 13 oo ku taalla waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye. Qaraxyo miino u muuqda ayaa lala beegsaday ciidan Ethiopian ah oo halkaas fariisin ku lahaa, iyagoo kaddibna isaga hayaamay halkaas.

Weerarkaas kaddib ayeey ciidanka Ethiopia tacshiirado la beegsadeen deegaanka Carbiska oo u dhow Jaamacaddii Beeraha, halkaas oo ay deggan yihiin dad kasoo barakacay dagaallada Muqdisho.

Dadkaas ayaa deedna halkaas kasii barakacay, iyagoo keymaha u firxaday.

Sidoo kale, meydadka afar qof ayaa laga helay meel u dhow xeradii ciidanka Asluubta, halkaas oo ay fariisin ku leeyihiin ciidanka Ethiopia. Dadkaas ayaa la sheegay inay wadeen dhaawaca qof toorreey lagu soo dhaawacay, iyagoo ciidanka Ethiopia ay gaarigii ay sarneeyeen ay kala degeen, kaddibna toogteen.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda KMG ah.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin