|
Kaalinta Golaha Baarlamaanka ee khilaafka DKMG
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Mudanayaal ka tirsan Golaha Baarlamaanka Somalia oo kala taageersan Madexweynaha & Ra'iisul Wasaaraha DKMG ayaa u muuqda kuwa
sii fogeynaya khilaafka dilooday dowladda.
Mudanayaashaas ayaa Khamiistii Baydhabo ku qabtay shirar jaraa'id oo is-burinaya oo ay ku kala taageerayaan labada masuul ee Cabdullahi Yusuf iyo Nuur Cadde. Mowliid Macaani Mudanyaasha taageersan madaxweynaha ee u ololeynaya in marka hore la xalliyo khilaafka madaxweyne Yusuf iyo Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde, waxaa u hadlay Mowliid Macaani. Mudanayaashan oo shir jaraa'id ku qabtay Hotel Bikiin ee magaalada Baydhabo, ayaa sheegay inay farriin u dirayaan beesha caalamka, gaar ahaan Danjire Axmedou Walad-Cabdallah, oo u sheegayaan in la hakiyo wada-xaajoodka nabadda ee u dhaxeeya dowladda KMG iyo Isbaheysiga Dibo-Xoreynta Somalia. Ibraahim Kiishbuur Mudanayaasha ku aragtida ah Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde waxaa u hadlay Ibraahim Kiishbuur, isagoo sheegay in xilligan, oo ay dowladda KMG u harsan tahay muddo ka yar hal sano, aan loo baahneyn in dib loo dhigo habsami u socodka dibu-heshiisiinta ee ay waddo Qaramada Miodoobay. Xildhibaankan ayaa sheegay inay aheyd in lasoo hormariyo dadaallada dibu-heshiisiinta ee aan dib loo dhigin, isagoo taas sabab uga dhigay in fursaddan ay tahay middii ugu wanaagsaneyd ee Somalia soo marta muddho dheer. Khilaafyada DKMG Ugub kuma ahan dowladda KMG ah khilaaf xooggan oo soo kala dhex gala madaxda iyo hey'adaha dowladda. Toddobaadyo kaddib markii Nairobi lagu askumay, ayay mudanyaasha baarlamaanku kuraas isla dhaceen, iyagoo isku mari waayey in ciidamada dowladaha safka hore la keeno dalka iyo inkale. Kaddibna waxeey u kala irdhoobeen Muqdisho iyo Jowhar. Markii ay isku soo laabteenna waxaa is-qabtay madaxweyne Yusuf iyo ra'iisul wasaarihii hore, Cali Geeddi. Lama oddorosi karo halka uu ku dambeyn doono khilaafka hadda ku dhex jira madaxda dowladda. |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||